Sifooyinka dadka ehlu janada ah

 

"Illaahay ha inaga yeelo kuwii uu ku manaystay kuna sharfay janadiisa"

Illaahay ayaa mahadleh, illaahay abuuray wax kasta ee xukumiyay abuur ahaan, fidiyay samada iyo dhulka ee xigmadiisa ku qaybiyay adoomada mid xun iyo mid wanaagsan, ka yeelay liibanta sabab ee wafijiyay qof waafajiyay ahaadayna mid ka cabsada illaahay, mid ku eegay araga indhihiisa ee doortay shayga soo hadhay ee cidhibta wanaagsan waxa aanu u mahadnaqayaa mahadnaq dhab ah intay koobsato, illaaha aanka suulayn mid xaq u leh in lagu shugriyo, Waxa aan qirayaa in illaahay mooyane illaah kale jirin, illaaha wax kasta mulkiyay, waxa kaloo aan qirayaa Maxamed in uu yahay adoonkiisi iyo rasuulkiisi  dadka ugu dhamayska tirnaa abuur ahaan iyo akhlaaq ahaanba N.N.K.H iyo abu bokor kii ku helay fadaa’isha rumayntii iyo raacidii ugu horaysay Nabiga, cumarkii caadilka ahaa, ismaankii isku dhiibay shihiid-nimada iyo caligii iibiyay waxa dhamaanaya (aduunka) ee ku doorsaday waxa waaraya (Janada)

Walaalayahow waad maqasheen sifooyinka janada iyo nimcooyinkeeda iyo waxa ku dhex jira ee farxad iyo naxariis ah, Illaahaybaan ku dhaartee waa in ay u shaqaystaan kuwa shaqaystaa halkaa, waa in ay u tartamaan kuwa tartamaa halkaa, qofku waa in uu noloshiisa ku lumiyaa sidii uu u heli lahaa janada, hadii aad I waydiisid shaqada loo shaqaysanaya janada ama dariiqa ku gaarsinaya? Illaahay (SW) ayaa taa inoo cadeeyay quraankiisa kariimka ahna wuu noogu cadeeyay illaahaya (SW).

Waxa uu yidhi “Waar u dheereya danbi dhaafka illaahay iyo jano baladhkeedu yahay inta cirka iyo dhulku isku jiraan loona diyaariyay dadka illaahay ka cabsada”.

Sifooyinka dadka ehlu janadu leeyihiin waxa uu illaahay (sw) noogu tilmaamay “Waa kuwa wax bixinaya marka ay barwaqaysan yihiin iyo marka dhibaataysan yihiin, waa kuwa cadhada qarsanaya, waa kuwa dadka iska dhaafaya, illaahayna dadka wanaaga sameeya ayuu jecel yahay, waa kuwa markay xumaan sameeyan amba nafahooga dulmiyaan illaahay danbi dhaaf waydiisata, danbigoogana illaahay danbi dhaaf ka waydiista, dunuubta ma cid aan illaahay ahayn ayaa dhaafta, waa kuwa aan hore ugu sii socon xumaanta ay sameeyeen iyagoo garanaya” [AL CIMRAAN-133-135]

Halkan waxanu ku sheegi doona dhoor sifo ay leeyihiin dadka ehlu janada ahi.

  1. Kuwa illaahay ka cabsaday waxay ku dhex jiraan janooyin iyo ilo kuwani waa kuwa illaahay ka cabsaday waana kuwa ka digtoonaday cadaabta illaahay waxayna kaga digtoonadeen wuxuu illaahay uga digay, waxayna adeeceen illaahay iyagoo ka rajaynaya abaalmarin, waxayna ka tageen wixii illaahay u diiday, waxayna yeeleen wixii illaaahay yidhi sameeya iyagoo ka cabsanaya ciqaabtiisa.
  2. Waa kuwa wax bixinaya markay barwaaqaysan yihiin iyo markay ay dhibaataysan yihiinba, waa kuwa cadhadooda qarsanaya, waa kuwa dadka cafinaya, illaahay waxa uu jecel yahay kuwa wanaagsankuwaasi waxay bixinaya wixii la yidhi bixiya waxayna u bixinayaa wijigii looga doonayay oo saka ah sadaqa ah iyo in ay nafaqo siiyan cidii ay xaq u tahay in wax siiyan, in ay jihaadka illaahay wax ku bixiyaan iyo dariiqyada wanaaga, waxayna wax bixinayaa marka ay barwaaqaysan yihiin iyo markay dhibtu jirtaba kamana hor joogsanayso dhibaatada iyo barwaaqadu in waxay jecel yihiin bixiyaan, bakhayal tinimaduna waa damac xoolo kororsi ah, kumana kalifayso qofka muuminka ah in uu xoolihiisa haysto isagoo u baahan.
  3. Waa kuwa cadhada qarsanaya dadkana iska cafinaya, illaahay waxa uu jecel yahay dadka wanaag falayaasha ah Kuwaasi waa kuwa naftooda joojiya marka ay cadhoodan xadgudbina dadka qeerkooga ahna xumaan u qaadan  iyo xaqdi.
  4. Waa kuwa dadka iska cafinaya, illaahayna waxa uu jecel yahay dadka wanaagsan” kana dhaafaya dulmigii iyo xadgudibkii lagu sameeyay isaga, iyagoo awood u leh in ay ka aargoostaan, waxanu halkaan ka fahmaynaa dadka laga cafiyo dulmigii ay kugu sameeyeen waxay kugu kordhinaysaa wanaag, hadaba qofka marka la cafiyo danbiyo kale sii galaya kaasi maaha kii fiicna ajarna kama helaysid, illaahay waxa uu yidhi (SW) “Qofka cafiya  waxna hagaajiya abaal marintiisu xaga illaahay ayay ahaatay, illaahayna ma jecla dalimiinta” [Shuura-40]
  5. Waa kuwa marka ay xumaan sameeyaan amba nafahooga dulmiyaan illaahay xusa danbi dhaafna waydiista, yaa danbiyada dhaafa illaahay mooyane, aan ku sii socon waxay samayn iyagoo og hadaba xumaanta  ayadani inoo sheegaysaa waa danbiyada waawayn sida dilka naf aan illaahay banayn in la dilo, labada walid oo aad ku xumaatid, ribada oo aad cuntid, xoolaha agoomaha oo aad cuntid, maalinta dagaalka galada iyo mislimiinta oo aad dhabarka jeedisid, sinada, tuugnimada, iyo kuwii la mid ah ee danbiyada waawayn ah, hadaba dulmiga nafta way ka balaadhan tahay waxayna koobsanaysaa danbiyada yaryar oo dhan iyo kuwa waawaynba , hadii ay sameeyan wax kuwaa ka mid ah waxay xasuusinayaa danbigaa waynaantiisa dabadeedna way ka baqayaa illaahay, waxayna xasuusanayaan danbi dhaafka illaahay iyo naxariista illaahay ee balaadhan, sidaa daraadee ayayna illaahay danbi dhaaf u waydiisanayaan ayagoo illaahay waydiisanaya inuu asturo danbigana ka dhaafo, ayadani waxa kaloo ay inoo sheegaysaa in aan cid aan illaahay danbi dhaaf la waydiisan Karin waayo cid aan illaahay ahayn danbiyada ma dhaafto.
  6. Kumana adkaysanayaan waxay sameyeen iyagoo og” kumana sii soconayaa danbigay sameeyeen iyagoo og maxaa yeelay waa danbi waxayna og yihiin in uu wayn yahay iyagoo ogna in uu illaahay ka dhaafayo, waxayna u deg degayaa sidii illaahay danbigaa ugu dhaafi lahaa, ku sii socodka lagu sii socdo danbiyada qofkoo og waxay ka dhigaysaa danbiyada yar yar kuwa waawayn, waxayna ka dhigaysaa danbiyada yar yar ee uu sameeyay kuwa khatar ah oo adag illaahay waxa uu yidhi (SW) “Dhab ahaantii waxa liibanay muuminiinta kuwa marka ay salaada ku jiraa qushuuca kana jeesta laqwiga sakada bixiya, waa kuwa xubnahooga taranka ilaaliya dumarkooga mooyane iyo waxay gacmahoodu hantiyeen (adoomo), kuwaasi kuwa canaan leh maaha, kuwii intaa wixii ahayn doona kuwaasi waa kuwa xadgudbay waa kuwa amaanadooda iyo balanka ilaaliya, waa kuwa salaadooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa ku waaraya dhaxlayana janada fardoosa waana ay ku dhex waarayaan Hadii aanu aayadan fasilno oo aanu qodobo ka soo dhex saarno.

1. “MUUMINIIN” Waa kuwa rumeyay illaahay (SW) iyo waxkastoo ay waajib tahay in uu rumeeyo sida malaa’igta, kutubta, maalinta qiyaamaha, qadarka illaahay khayr iyo sharba, kuwa sidaa rumeyay si daa u  rumeyay si dhab ah una hogaam samay qowl iyo camalba.

2.“KUWA SALAADOODA QUSHUUCSAN” Quluubtooda ayaa ku sugan jidhkooga in ay u taagan yihiin salaad illaahay hortii oo ay ugu dhowaanayaan xuskiisa illaahayna baryayaan, mar hadii aanu qalbigooga soo gelin wax cibaada ka baxsan kuwaas ayaa qushuucsan si muuqata iyo siqarsoonba.

3. “KUWA LAQWIGA KA JEESTA” Laqwigu waa wax kasta oo faa’iido iyo khayr toona lahayn qowl iyo ficilba kuwaasi way ka jeestaan iyagoo isticmalaya awooda go’aan qaadashadooda iyo ku adkaysashada in aanay wakhtigooga ku lumin wax aan faa’iido lahayn, si ay u xafidaan salaadooda ayay wakhtigooga inuu dacaymo u xafideen, dabeecada noocan ah ee ka jeesiga laqwiga iyo wixii aan faa’iidoda lahayn ka jeesigoogu waa wax dhib u keenaya sidaanu hore u soo sheegnay.

4.“KUWA SAKADA BIXIYA” Waxa loogala jeeda kuwa maalka ka bixiya sakada illaahay ku waajibiyay iyo wixii naftooda ay ku daahirinayaan qowl iyo camalba kuwa la yimaada.

5.“KUWA ILAALIYAYA XUBNOHOOGA TARANKA MARKA LAGA REEBO WAXAAN AHAYN DUMARKOOGA IYO WIXII GACANTOODU MULKIDAY” kuwaasi waa kuwa xubnahooga taranka ka ilaaliyay sinada iyo wixii la xidhiidha oo dhan waxaas oo ay ku jiraan xumaanta, ilaalinta xubinta taranka waxay koobsanaysaa in araga la ilaaliyo iyo toobashada, waxa halkaan lanagu tusaya in la diiday in la sameeyo wax sino ah xaaskaaga iyo wixii gacantaadu hantiday mooyane taas oo baahidaada si sharci ah aad u gudanaysid adiga oo ka doonaya taran iyo waxyaabo kale oo wanaag ah.

6. “KUWA AAMINADOODA IYO BALANKA ILAALINAYA” Amaanadu waxa weeyan wax alaaliyo wixi lagugu aamino hadal iyo ficilba iyo aragba, qofka kaaga warama sir wuu ku aaminay, qofka waxa ku sameeya agtaada oo dadku raali ka ahayn kaasina wuu ku aaminay, qofka kuu dhiibta xoolihiisa wax ka mid ah kaasina wuu ku aaminay, balanka illaahay lala galo isagana waa in laga soo baxa sida nadarka iyo balanada dadku wada galaan dadka ehlu januhu way ilaaliyaan waxayna ilaaliyaan balanta iyaga iyo illaahooga ka dhaxaysa, waxa kaloo ay ilaaliyaan balanta iyaga iyo dadka kale taasina waxay gelaysaa oofinta  balanka iyo shuruudihii sharcigu baneeyay.

7. “KUWA ILAALINAYA SALAADAHOOGA” waa kuwa laasimaya ee ka ilaalinaya salaadu in ay baylahdo waxayna gudanayaa wakhtigeeda, waxayna u gudanayaan wajigeeda ugu dhamayska tiranleh iyagoo ilaalinaya shuruudeeda, arkaamteeda iyo waajibaadkeeda, illaahay (SW) waxa uu ku xusay quraanka dhexdiisa dadka ehlu januhu in ay leeyihiin sifooyin badan waxana aanu ka sheegnay kuwo ka mid ah, illaahayna (SW) waxa uu sidoo kale inoo sheegay qofkii doonaya inuu gaadho janada in uu sifooyinkaa ku sifoobo sidoo kale axaadiista laga werinayo Nabigu (CSW) way badan tahay.

Abu hureyra (RC) waxa laga weriyay Nabigii (SCW) illaahay waxa uu yidhi (Qofka mara dariiq isagoo doondoonaya cilmi illaahay waxa uu u fudeeya dariiqa janada) xadiiskan waxa soo saaray muslim sidoo kale nabigu (csw) waxa uu yidhi (waar ma idin tusaa wuxuu illaahay idinka masaxo danbiyadiina darajooyinkiina kor ugu qaado? waxayna yidhadeen haa rasuulkii illaahayow, nabigu (csw) waxa uu yidhi waysada dheereya wakhtiyada karaahida ah socod kana u badiya masaajidka kuna suga salaadba salaad) 

Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu soo weriyay Nabigii illaahay (CSW) in uu yidhi (Ma jiro mid idinka mid ihi oo waysaysanaya waysadana dheeraynaya dabadeedna odhanayana illaahay mooyane ilaah kale ma jiro wax  cibadaadiisa la wadaagana ma jiro waxana qirayaa in nabi maxamed yahay adoonkiisi iyo rasuulkiisi, hadii uu sidaa yidhaado waxa loo furaa albaabada janada ee sideeda ah waxanu ka galaa kuu doono)

 Cismaan Binu Caafaan (RC)  waxa laga soo weriyay waxa uu yidhi Nabigii Illaahay (CSW) (Qofka dhisa masaajid uu ku doonayo wajiga illaahay, illaahay guri ayuu janada uga dhisaa) Waa la isku waafaqay xadiiska

Cubaadat Binu Saamit (RC) waxa laga soo weriyay Nabigu (SCW) in uu yidhi  (Shan salaadood ayuu illaahay adoomadiisa ku faral yeelay, qofka la yimaada shayna aan ka tagin salaada ka mid ah illaahay agtiisa waxa loo qoraa balan ah in uu janada galo) Xadiiskan waxa soo saaray Imaamu axmed iyo Abu da’ud iyo Nisaa’i

Sowbaan (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (CSW) way diiyay camal illaahay ku geliyo janada Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi (Waa in aad sujuuda badsataa, sujuud kasta oo aad sujuudo illaahay waxa uu kugu dalacsiinayaa darajo gaf aad samaysayna waa lagaga dhaafayaa) Waxa weriyay Muslim

Uma Xabiiba (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (CSW) yidhi (Ma jiro adoon mislim ah oo illaahay u tukado maalintii laba iyo toban ragcadood oo suna ah oo faral ahayn hadii uu jirana illaahay waxa uu guri uga dhisaa janada)  Waxa weriyay Muslim, laba iyo tobanka ragcadood waxay kala yihiin afar duhurka ka horeya iyo laba ka danbeya, laba makhribka ka danbeya, laba cishaayiga ka danbeya, laba subaxa ka horeya.

Mucaad Binu Jabal (RC) waxa laga soo weriyay in uu Rasuulkii Illaahay (CSW) ku yidhi iiga waran camal aan janada ku galo naartana ka dheerado Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi (Waxa aad i waydiisay arin wayn waxana ay u fududahay ciduu illaahay u fudeeyo illaahayna caabud cidna ha u shariik yeelin, salaadana tuko, sakada bixi, ramadaanta soon iyo in aad xajka tagto) waxa weriyay axmed iyo Tarmidi.

Sahad binu Siciid (RC) waxa laga soo weriyay In uu Nabigu yidhi (Janada waxa ku yaal albaab la yidhaa rayaan waxana ka gala saayimiinta oo kaliya) Waxana weriyay Bukhaari Iyo muslim

Abu hureyra (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (CSW) yidhi (Cimro ilaa cimradeeda inta u dhaxaysa ayay u tahay kafaaro, xajka la aqbalayna abaal marintiisu waa janada) Bukhaari iyo muslim

Jaabir (RC) waxa laga weriyay in uu Nabigu (CSW) yidhi (Ninka leh sadex hablood ee tarbiyadeeya una naxariista ee kafaala qaada xaqiiqa ahaan waxa u waajibtay janada si go an, waxay yidhaadeen rasuulkii illaahayow hadii ay laba yihiina waxa uu yidhi xitaa hadii ay laba yihiin waxa u sugnaatay janada, badh ka mid ah asxaabta waxay yidhaadeen hadii ay mid tahayna rasuulki waxa uu yidhi way ku waajibaysaa janadu) Waxa soo weriyay imaamu axmed

Abu hereyra (RC) waxa laga soo weriyay in Nabiga (CSW) la waydiyay waxa ugu badan ee janada lagu galo Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (CABSIGA ILLAAHAY IYO AKHLAAQDA WANAAGSAN) Waxa weriyay Tarmiidi iyo ibnu xabaan

Waxa laga weriyay Cayaad Binu Xamaar al majaashici (RC) in uu Nabigu (CSW) yidhi (Ehlu januhu waa sadex, nin madax ah oo cadaalad sameyay in uu run sheeg yahayna la isku waafaqay, nin naxariis leh oo qalbi dabacsan mid kastoo u dhow iyo nin muslinimadiisa ku dhoorsan kuna dhoorson caruur faro badan) Waxa weriyay Muslim

Walaalayal axaadiistan faraha badan ee Nabigu (CSW) laga soo weriyay waxay ina tusayaa camalo faro badan oo ninkii doonaya in uu gaadho Illaahay ha ina waafijiyo.

Waxa aan illaahay waydiisanaynaa in uu illaahay noo fududeeyo wadada janada loo maro iyo ku sugnaanteeda, illaahay isagaa jira oo wayn.

***************